Fulin xukun dil toogasho ah oo lagu fuliyay 13 shabaab
Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay 19 nin oo 13 ka mid ah ay ahaayeen shabakado ka tirsanaa kooxaha Khawaarijta ah ee Al-Shabaab iyo Daacish. Markii laga soo tago 13-ka Khawaarijnimada lagu helay, lixda kale waxay ahaayeen askar horay uga tirsaneyd ciidamada Puntland oo lagu helay dembiyo dilal ah oo ay geysteen.

